In ka badan 1500 Macalimiin ah oo ka soo baxey Kulliyadda Tababarka Macalimiinta iyo Jaamacadda Bariga Africa

Garoowe:-Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Puntland GTEC ayaa waxaa tababar Macalimino lagu tababarey Macalimiin gaareysa 750 kuwaas oo wax ka dhigi doona Dugsiyada kala duwan ee Puntland.

Maamulaha GTEC Cabdirisaq Shoole, ayaa waxa uu sheegey in ay filayaan in ay wax badan ku kordhiyaan Iskuulaadka kala duwan ee Puntland oo u baahan Macalimiin tababaran, waxaana uu sheegey in ay rajenanayaan tiro intaas ka badan in ay soo saaraan.

Sidoo kale, in ka badan 750 Macalin ayaa iyakuna waxey tababar Macalimino ku qaateen Jaamacadda Bariga Africa, waxaana la filayaa in dhamaman Macalimiintan ay u shaqao tagi doonaan Dugsiyada hoose, dhexe iyo Saraba.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka jwaabayay Macalimiintan Cusub oo ku doodeyay in ay helaan shaqooyin ayaa waxa uu sheegey in Macalimiin Puntland looga baahan yahay oo maamulka iyo si gaar ahba ay u shaqeyn doonaan, waxaana uu ku dhiiriyay in ay kalsooni qabaan.

Posted in: News and Events

Leave a Comment